Deeq A. Posted June 28, 2019 Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniino ka soo saaray dagaal Beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa dagaalladaasi ku tilmaamay kuwa fidno ah oo aanan la aqbali Karin, wuxuuna sheegay in ay ka hortagi doonaan. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay waxgaradka Beelaha diriraya in ay joojiyaan dagaalka wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal. “Waxaan ku baaqayaa in Odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabslle ay u istaagaan joojinta colaadahaas” ayuu yiri madaxweyne Waare. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi ku daray in maamulkiisu uu ka xun yahay dhibaatooyinkaasi, waxaana uu ka digay sii socoshada dagaalladaasi. Gobolka Hiiraan, gaar ahaan nawaaxiga degmada Matabaan ayaa waxaa ku soo laa laabtay dagaallo u dhexeeyo Beelo wada daga halkaasi. Dagaalkii ugu dambeeyay oo shalay dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana haatan socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites