Deeq A. Posted June 28, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho uu si la yaab leh nin hubeysnaa uga geyteen duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cali Bashiir Muuse, kaas oo ahaa ganacsade. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu hor taagnaa goobtiisa ganacsi oo ku taalla duleedka Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimda Online u sheegay in Marxuumka laga dhex toogtay gaari BL, gaar ahaan Hoomey ku socdaaleysay waddada marta Tareedisho ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale ilo dhinaca ammaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay wadihii gaariga, balse waxa uu tilmaamay in ninkii dilka geystay uu ka dagay gaarigiisa, islamarkaana uusan garaneyn. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay Marxuum Cali Bashiir Muuse oo ka ganacsan jiray Liinta. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan Muqdisho iyo duleedka uga dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, iyadoo ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka wadaan ciidamada Booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites