Deeq A. Posted June 28, 2019 Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdi horudhac u ah socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa gaarey degmadaasi. Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Bartoolka, ayaa hogaaminayey wafdigaasi oo si diiran loosoo dhaweeyay. Maxamed Xaashi Carabeey, Madaxawayne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay wafdiga halkaasi gaarey Khayre ayaa la filayaa in uu Caabudwaaq kulamo kula yeesho bulshada qayba-heeda kala duwan ee ku nool Degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites