Deeq A. Posted June 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Ugu horeyn, waxaa uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Waxa uu ku tilmaamay “fidno ah oo aanan la aqbali karin” isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, kana digay in ay sii socdaan. Waare ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas la joojiyo. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Waare ayaa xusay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites