Deeq A. Posted June 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ayaa dowlada federaalka u balanqaadey in uu kala shaqeynayo dadaalada lagu dardargelinayo horumarka iyo nabadda dalka. James Swan oo todobaadkan soo gaarey magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa sidoo kale shaaciyey in uu wadashaqeyn dhowr la yeelan doono madaxda ugu sareysa ee waddanka. Diblumaasigan u dhashay Mareykanka ayaa dabayaaqada bishii May ee sanadkan 2019 loosoo magacaabey ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya. Mr Swan ayaa waxa uu bedalayaa Nicholas Haysom, kaasi oo dalka laga eryay markii ay xukuumada ku eedeysay in uu farogelin ku sameeyay madax banaanida iyo midnimada waddanka. Hadalka James Swan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo uu shalay oo Khamiis ahayd uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo u soo bandhigay qorsheyaasha lagu horumarinayo dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites