Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo Sacuudiga uga baxay dagaalka IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay dib uga guraneyso xiisaddii ka dhaxeysay dalalka Khaliijka iyo dalka Iran, ayada oo beddeshay mowqifkeedii hore.

Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Abdullah Bin Zayed ayaa sheegay in dalkiisa uusan hayn wax caddeyn ah oo si cad u sheegi kara dalkii ka dambeeyey weeraro lagu qaaday maraakiib ku safrayey biyaha gacanka dhowr toddobaad ka hor.

Bin Zayed oo warkan ka sheegay magaalada Moscow oo uu booqasho ku joogay ayaa yiri “Si aan mas’uuliyad arrintan dusha uga saarno dal, waa inaan helnaan caddeyn buuxda oo aan shaki ku jirin, taasina weli ma hayno”.

Hadalkan ayaa aad uga duwan kii Bin Zayed laga soo xigtay bishii May markii la weeraray maraakiibta siday saliidda, kaasi oo uu ku sheegay in faraha Iran ay si aad ah uga muuqdaan weerarada.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda u muuqata inay ka laabatay eedeymahaas, waxayna ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo.

Mowqifka Imaaraadka ayaa aad uga duwan kan dalka ay saaxibka dhow yihiin ee Sacuudiga oo aad ugu ololeynaya dagaal lagu qaado dalka Iran.

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta garowsaday inay yihiin dalka khasaaraha ugu badan uu kasoo gaari doono dagaal kasta oo lagu qaado Iran, haddii ay noqoto mid nafeed iyo mid hantiyeed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this