Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dishay 75 jir la sheegay inuu gabar iyo hooyadeed isla guursaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab  ayaa fagaare ku yaalla degaanka Tooratoorow gobolka Shabeelaha Hoose shalay galab ku toogatay nin 75 jir ah oo la oran jiray Abshir Maxamad Cabdi ka dib markii lagu eedeeyay inuu guursaday Cadeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed Xaawa Cabdi Biille.

Sida ay sheegtay maxkamadda Al-Shabaab ninkan ayaa waxaa soo dacweeyey Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday hal da’na uu ka dhalay xilli uu horey hooyadeed u qabay.

Xasan ayaa dacwaddiisa wuxuu ku sheegay in Abshir uu gabadha la dhuuntay islamarkaana uu meel baadiyo ah kusoo nikaaxsaday wali la’aan iyadoo ah.

Abshir ayaa beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday laakin aanu guursan hooyadeed.

Sida lagu sheegay qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, Intaa kadib waxaa Abshir ku marqaati furay dad degaan ah oo la socday kiiskan.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in marqaatigu uu ansaxay, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo waliba og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, kaasi oo lagu fuliyey.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this