Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna iyo DF oo qarka u saaran inay ku kala tagaan qodob uu dalbaday Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna ayaa diiday shuruudo iyo qodobo uu usoo bandhigay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre intii lagu guda jiray wada-hadalladii dhex maray labada dhinac, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dalbaday in heshiis kasta oo dhex mara dowladda iyo Ahlu-Sunna ay sidoo kale ku jirto in la qarameeyo ciidamada Ahlu-Sunna.

Kheyre ayaa Ahlu-Sunna u sheegay inuu doonayo in ciidmada kooxda ay ka mid noqdaan militariga dowladda federaalka ah, gaar ahaan guutada 21-aad, si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee ra’iisul wasaaraha ee dib u habaynta ciidanka iyo xoreynta dalka, wuxuuna soo jeediyey in marka ciidamada Ahlu-Sunna la qarameeyo ay ku biiraan ciidamada kale ee dowladda oo qaadaya howlgal Al-Shabaab looga saarayo meelaha ay ku harsan yihiin ee gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, Ahlu-Sunna ayaa diidan in ciidankooda ku biiraan kuwa dowladda, waxayna sheegtay inay sii ahaan doonaan ciidamo xireed balse ay diyaar u yihiin inay dowladda caawiyaan haddii ay mushahar u qorto.

Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa uga digay Ahlu-Sunna inuusan jiri doonin heshiis dhex mara kooxdan iyo dowladda haddii aysan qodobkan muhiimka ah aqbalin.

Labada dhinac ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, hase yeeshee waxay hadda kala taagan yihiin meel aad u kala fog.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this