Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali ah oo heshiis rasmi ah u saxiixay kooxda kubadda cagta Liverpool

Recommended Posts

Deeq A.   

Liverpool (Caasimadda Online) – Cabdi Shariif waa wiil Soomaaliyeed oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Wuxuu kooxda la saxiixday heshiis heer sare ah oo uu kaga mid noqonayo laacibiinta ay Liverpool ku tashato.

“Laacibkan qadka dhexe ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa, wuxuuna seddax sano ka hor billaabay inuu kooxda u ciyaaro”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed Liverpool ay soo saartay.

“Wuxuu ciyaaraha ku billaabay tartanka FA-ga ee dhallinyarada, wuxuuna kullankii ugu dambeeyay dhaliyay gool ku laad ay Liverpool ku qaaday koobka. Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 12 sano ah oo kooxda ay heerkaa gaarto”.

Steven Gerrard wuxuu toddobaadki hore sheegay “In dhaab dhismeedka Cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn”.

Wuxuuna Gerrard intaasi raaciyey “Cabdi inuu orodka aad ugu wanaagsan yahay, uuna lugo dhaadheeryahay. Wuxuu ka dhex muuqday kooxdiisa iyo ciyaartooyda Keydka, sidaa darteed waxaan isku dayeynaa inaan Cabdi ku boorino sidii uu u noqon lahaa mid ciyaaraha ka qayb qaato.”

“100% waan ku raacsanahay, Shariif 17- jir ah inuu tababar uu dhawaan ku qaatay Akaadeemiga kooxda si uu uga mid noqdo kooxda Liverpool.

“Billow aad u wanaagsan ayaan ku billaawday xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaartooy kasta wuxuu leeyahay xirfad ciyaareed oo u gaar ah aniguna waxaan wadaa dadaal inta awooddeyda ah.”

“Steven iyo tababaraha wax badan ayey igu dhiirrageliyaan ciyaartoy ahaanna aad ayaan ugu baahanahay. Aniga ahaan si aan xirfaddeyda ciyaareed u soo saaro oo aan ciyaaraha heerki looga baahnaa uga gaaro, dhiirragelinta noocaasi waan u baahanahay. Steven wuxuu marwalba igala shaqeeyaa sidi aan xirfaddeyda goor walba ku hormarin lahaa.”

Cabdi Shariif ayaa ku dhashay Soomaaliya balse wuxuu kusoo barbaaray Magaalada Toxteth, waxayna Liverpool sheegtay inuu muhiim u ahaa Macalinka Ciyaartoyda 18 jirada Liverpool ee Barry Lewtas.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this