Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn caawa ka dhacday Muqdisho iyo ciidamada oo toogtay nin hubeysnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Degmada Boondheere ayaa caawa 7:15 Daqiiqo waxa ay toogteen ruux la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab, kaasi oo Bistoolad ku hubaysnaa.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomalaiya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed  ayaa sheegtay ruuxa la toogtay inuu doonaayay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidamada Booliska, balse isagii la dilay.

Israsaaseynta dad shacab ah waxba kuma soo gaarin, marka laga reebo ruuxaasi hubaysan ee Ciidanka ay dileen, waxaa sidaas sheegtay Zakiya.

“Ciidanka amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa. Israsaaseyn kaddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas” ayay tiri taliye Sakiyo Xuseen.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay adkeeyay amaanka Caasimada, iyagoo wadooyin dheeraad ah dhigay askarta, si au u feejignaadaan, isla mar ahanataasina ay uga hortagaan falalka amni daro.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this