Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM: Dagaalame Al-Shabaab ah ayaa duqeyn ku dilnay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in uu duqeyn ka fuliyey koonfurta Soomaaliya, isbuucan.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyey in weerarka ay cirka ay ku dileen hal dagaalame Al-Shabaab ka tirsanaa.

AFRICOM ayaa xustay in duqeynta ay ka geysteen degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxyeelo kasoo gaarin wax shacab ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartey howlgalkan ayaa tilmaamtay in ruuxa ku dhintay uu ahaa ganacsade.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this