Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Toogasho ka dhacday Masaajid ku yaal Magaalada Paris

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (Caasimadda Online) – Laba qof ayaa lagu toogtay banaanka Masaajid ku yaal Brest oo ku taal Galbeedka Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Booliska.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Brest Jean-Philippe Recappe  ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay  dad kasoo baxay Masaajid ku yaal Magaaadaan oo daris la ah Pontanezen taasoo keentay inay dhaawacmaan illaa laba qof.

Jean-Philippe Recappe  ayaa Reuters u sheegay inaysan weli kala caddeyn in toogashadaan ay tahay mid ku saleysan Arrimo diimeed iyo inay jiraan waxyaabo kale oo sababay.

Talefishinka France 3 ayaa baahiyey inuu baxsaday ninkii rasaasta ku furay dadkii kasoo baxay Masaajidka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Paris
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this