Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay xuska munaasabadda Xornimada DJabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa magaala Djabuuti ee dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasibadda xuska sanadguuradii 42-aad ee kasoo wareegtey maalintii xornimada dalkaasi Juun, 27, 1977.

Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaasi, Safiirka Ingiriiska ee Jabuuti, masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda dalka Jabuuti, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo ka qayb galay munaasibadda xuska maallinta xuriyadda dalkaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka aan walaalaha nahay ee wadankaasi, taasi oo uu uga sidey Shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka qayb galay xuska maalintan ku wayn shacabka Jabuubti ayaa Dowladda iyo shacabka dalkaasi ku amaanay horumarka, nabadda, xasiloonida, wadaniyadda iyo isku-tashiga taabagalay ee ay guusha ku gaadheen xornimadooda kadib.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoggaanka iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyey horumar, nabad, wadajir iyo barwaaqo.

  • FB_IMG_1561646928385.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646947471.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646953017.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646922217.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646933585.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646940066.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646957753.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1561646911104.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay xuska munaasabadda Xornimada DJabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this