Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaashii ka soo baxay Somaliland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaashii ugu qornaa Somaliland gobolka Sanaag oo dhowaan iyaga iyo ciidamadooduba ku biiray Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle xaaji Diraac oo ay weheliyaan guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland Cali Xuseen Maxamed  iyo saraakiil kale oo ka yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa dhanka bari ee caasimadda Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xassan.

Waxaa kale oo soo dhoweynta ka qeyb-qaatay, saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, madax-dhaqameed, ganacsato, iyo qeyba kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe oo sitay caleemo qoyan.

Saraakiisha ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda xarunta madaxtooyada Garoowe kula kulmaan, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa difaaca gobolka Sanaag.

  • 1-34.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Taliyaashii ka soo baxay Somaliland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this