Deeq A. Posted June 27, 2019 Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka qeyb galay Shir Sanadeedka Hay’adaha Hantidhowrada Afrika oo sannadkiiba hal mar laqabto loogana hadlo Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha kaas oo sannadkan ka dhacacaya Caasimadda Kigaali ee Dalka Rwanda. Shirkaan oo socon doona 24-28 Bishaan June 2019 ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan Hantidhowrada Dowladaha ku mideysan AFROSAI-E. Waxaana diiradda lagu saarayaa “ka shaqeynta Horumarinta Hantidhawrada Afrika iyo soo bandhigidda shaqo wanaagga laga rabo Hantidhowrada Africa shaqaalahooda iyo waxbarashadooda si loo wanaajiyo kartida & habdhaqanka shaqo ee shaqaalaha Hantidhowrka”. Dhanka kale, Madasha kulanka Hantidhowrradda Afrika ayaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranku waxaa uu kusoo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka dalkeenna Soomaaliyeed, iyadoona lagu ammaanay sida ay u soo bandhigeen Xubnihii matalayay XHGQ. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka hantidhorka AFrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites