Deeq A. Posted June 27, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah ku dhawaaqay in dhammaan ay is wada casileen guddigii doorashada maamulka Puntland. Xubnaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa shaaciyay go’aankaasi is casilaada ah. Guddigan oo KMG ahaa ayay sababta ay isku casileen waxa ay ku sheegeen in ay la soo darseen daruufo gaar ah oo caqabad ku noqday shaqooyinkooda. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku fashilmay in uu wax ka qabto arrinta guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Kulan gaar ah oo ay dhawaan wada qaateen isaga iyo guddiga ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is afgarad la’aan, taas oo sababtay in guddigu is casilo. Deni ayaa haatan looga fadhiyaa in uu soo magcaabo shanta xubnood ee ugu horreysa ee guddiga cusub, halka 4 kale ay ka imaan doonaan golaha wakiilada Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites