Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii doorashooyinka Puntland oo is-wada casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
GUDDIGA-ISCASILAY.jpg?w=1000&ssl=1Xubnaha gudiga iscasilay

Dhammaan xubnihii guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland ayaa is-casilay, kadib shir jaraa’id oo ay saaka ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay, ayna kamid tahay in  ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan, si loo helo guddi cusub oo isla’ jaan-qaadi kara.

Xubnaha is-casilay, ayaa u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo gacan ku siiyay shaqadooda mudadii ay xilka hayeen, iyagoo si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Puntland oo ay sheegeen in uu si qiimo leh u aqbalay is-casilaadooda.

Madaxweyne Deni, ayaa la filayaa in uu soo magcaabo 5-ta xubnood ee u horreysa guddiga cusub, halka 4-ta kale ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada, si loo dhammaystiro 9-ka xubnood ee guddiga doorashooyinka Puntland.

Guddiga cusub ayaa sii wadi doona, geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto nidaamka qabaliga ah.

halkaan hoose ka daawo iscasilaadda

ISCASILAADDA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddigii doorashooyinka Puntland oo is-wada casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this