Deeq A. Posted June 27, 2019 Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyhihiin gobolkaasi. Weerarka koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer, waxaana la sheegay in uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale weerar qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Kaliini oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda oo ku sugnaa halkaasi ay sameeyeen iska cabin xoogan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka baxay Al Shabaab iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalladaasi. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites