Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Duuliye Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Ku Burburtay Garoon Ku Yaalla Dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in diyaarad rakaab oo nooceedu aahaa ANTINOV 24 ay si degdeg ah u caga-dhigatay garoon ku yaalla magaalada Nizhenangarask oo ka tirsan Jamhuuriyadda Buryatia ee Federalka Raashiya.

Diyaaraddaasi oo saaka ku sii magaalada Ulan Ude, ayaa la sheegay inay cilladi ka qabsatay dhanka Matoorka, waxayna Duuliyayaasha go’aansadeen inay dib ugu laabteen garoonkii ay markii hore ka soo duuleen.

Xoghayaha Warfaafinta ee Gobalkaasi, Aleksi Fishev ayaa sheegay inay 2 duuliye ku geeriyootay, 7 qof oo rakaab ahna ku dhawaacmeen xilligii ay Diyaaraddaasi si degdegga ah ugu degtay garoonka.

Waxa kale oo uu sheegay in Diyaaradda burburtay laga soo badbaadiyey 42 qof oo dad qaangaar ah iyo ilmo yar oo ka mid ahaa rakaabkii la socday Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Angara Airlines.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this