Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowlada Liibiya Oo La Wareegay Magaalo Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tripole)-Dowlada Liibiya ee ay caalamka aqoonsan yihiin ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda dib ula wareegeen magaalada istaraatijiga ah ee Gharyan ka dib dagaal ay la galeen ciidamada mucaaradka.

107556293_6ac9ed96-442c-4b5b-891d-fce42e

Gharyan ayaa ahayd magaalada saldhig ay gurmad dhanka saadka ah ka helaan dagaalyahanada daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar ee weerarka ku ah caasimada Liibiya ee Tripole.

Ciidamada Hafdar ayaa magaladan oo ku taalla Koonfurta Tripoli, gacanta ku hayay tan iyo 2 bishii April markaasi oo ay duulaan xooggan caasimada ay kaga soo qaadeen dhanka bari iyo Koonfur.

Ciidamada qaranka Liibiya wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada daacadda u ah dowladda Liibiya ay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen magalada Gharyan oo ku dhaw caasimadda.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Liibiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qabsashada ay qabsadeen magalada Gharyan “ay guul muhim ah u tahay” taasi oo horseedi karta jabka ciidamada xoogaga uu hogaamiyo Haftar.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay sawiro muujinaya ciidamada dowladda midnimada qaran ku sugan gudaha magaalada islamarkana soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay yihiin dagaalyahanada Janaraal Haftar.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa qas iyo jahwareer tan iyo xukunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi Muammar Gaddafi 2011.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay tan iyo intii ciidamada Khaliifa Xafdar ay weerarka ku soo qaadeen dowladda midnimada qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobey taasi oo uu hogaamiyo rai’sul wasaare Fayez al-Serra.

Janaraal Haftar ayaa waxa uu awood ku lahaa bariga Liibiya,waxayna xulafadiisa sheegeen inay doonayaan in ay dib u soo celiyaan ammaanka ayna la dagaalamaan “argagixisada”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this