Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Socda Wanlaweyn, Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil.

Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la xiriirnay, dagaalkan ayaa ka bilowday goob gaadiidka lacag looga qaado oo maleeshiyaadkan isku qabsadeen.

Dagaalkan oo markii hore ka bilowday galbeedka degmada Wanlaweyn ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in uu ka dhex socdo xaafadaha qaar ee degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhimatay Labo qof oo mid haweeney ahayd, waxaana jira dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo dad kale oo rayid ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this