Deeq A. Posted June 27, 2019 Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo dood dhinaca Badda ah haatan ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa markale u geftay dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Moses Kuria oo ka hadlayay muranka Bada ayaa xusay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya, taas oo uu gar darro ku tilmaamay. Waxa kale uu dowladda Kenya kula taliyay in ay isticmaasho awoodeeda Milatari, iskana celiso Soomaaliya. Xildhibaankan ayaa sidoo kale dowladdiisu ka codsaday in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay kala soo baxdo gudaha Soomaaliya. Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal. Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaaban doono bisha September ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites