Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafuud ka socota DF iyo Koonfur Galbeed oo gaaray Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Wafdigan ka kooban labo gudi oo ka kala socoda Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweyeey.

Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaanada golaha shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 xildhibaan ah oo uu dhawaan magacabay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo Wasirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo uu hogaaminaaya xubnaha gudiga oo uu dhawaan soo  magacaabay Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Somalaiya.

Xubnaha labada gudi ka koobna ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Galkacayo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo guddoomiyaha gobolka mudug ee dowlada goboleedka Galmudug  ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga,waxaana ay sheegey in ay ku faraxsan yihiin in gudiyada Gaalkacayo soo gaaraan si markaasi looga wada xaajoodo 14kii bishan dhibaatadii ka dhacadey Galkacayo iyo Dhuusamareeb.

Xubnaha guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo,iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wada shaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this