Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Kheyre oo dib uga gurtay heshiiskii dowladda iyo kooxda Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in dib loogu noqdo heshiis hordhac ahaa oo horey u dhex maray dowladda federaalka ah iyo kooxda Ahlu-Sunna, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Heshiiskan oo intiisa badan la gaaray intii uusan Xaaf ogolaan in doorasho ka dhacdo Galmudug, ayaa dhigayey in dowladda ay kooxda Ahlu-Sunna siiso xilka wasiirka arrimaha gudaha, safiiro iyo lacag dhowr milyan oo dollar ah, si ay dowladda ugala shaqeyso in meesha laga saaro Xaaf.

Si kastaba, kadib markii Xaaf si lama filaan ah u sheegay inuu dowladda la heshiiyey kana furtay Ahlu-Sunna, ayaa wax walba is-beddeleen waxaana dowladda ay dareentay inaysan ku qasbaneyn in ay Ahlu-Sunna la gasho gorgorton siyaasadeed.

Waxyaabaha ra’iisul wasaraaha diiday ayaa waxaa ka mid ah lacag afar milyan oo dollar ah oo markii hore labada dhinac ay si mabda’ ahaan isugu raaceen, inkasta oo xilalka qaar uu weli ogol yahay.

Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusomareeb u sheegay madaxda Ahlu-Sunna in maadaama hadda Xaaf uusan ahayn madax lagu gorgortomo aysan dowladda ku qasbaneyn inay wax badan ku bixiso ogolaanshaha Ahlu-Sunna ee doorasho dhacdo.

Inkasta oo Ahlu-Sunna ay si shaacsan u sheegtay inay raali ka tahay doorasho dhacdo, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay aad uga carrootay hadalka ra’iisul wasaare Kheyre, una aragtay mid muujinaya in dowladda ay tahay danaysato.

Dhinacyada ayaa la filayaa in wada-hadallo dheeraad ah yeeshaan ka hor doorashada Galmudug ayada oo Ahlu-Sunna ay rumeysan tahay in dowladda ay ku qasban tahay inay sida ay doonto u yeesho maadaama aan Galmudug laga dhisi karin maamul aysan raali ka ahyan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this