Deeq A. Posted June 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in caawa ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duulaanka oo la sheegay in uu ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah, wallow illaa iyo haatan aanan la ogeyn khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. Saraakiisha ciidanka xooga illaa iyo haatan kama aysan hadlin iska hor-imaadka oo la tibaaxay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna ay socotay in muddo ah. Sikastaba ha ahaatee, Buulo Mareer oo Koonfur Bari kaga taala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites