Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo askar ku dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saddex ruux oo laba kamida ay askar yihiin ayaa ku geeriyootay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho markii uu dul-maray mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Midowga Afrika.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, baabuurta ciidamada AMISOM ayaa goobta ka dhaqaaqay kadib markii ay falkaasi ay geysteen, iyagga oo aanan daqiiqado xitaa meesha ay dhibta ku geysteen ku hakan.

Balse mas’uuliyiinta maamulka degaanka Lafoole ee ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa tilmaamay in ay joojiyeen gaadiidka, isla markaana ay ka qaadeen telafoono lagala xiriiro marka loo baahdo.

Taliska AMISOM illaa iyo haatan kama uusan hadlin dhacdadan oo kusoo beegmeysa iyada oo ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay xoogaga nabad-ilaalinta u jooga dalka ay shacabka iyo askarta kula kacayaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this