Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha.

FB_IMG_1561555432955.jpgFB_IMG_1561555439574.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this