Deeq A. Posted June 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga. Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites