Deeq A. Posted June 26, 2019 Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa degaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Cadaado ee xarunta baarlamanka Galmudug oo uu kula hadli doono mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xafa. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay bannaanka deegaanka isku gacan qaadeen, kuna yeesheen kulan kooban, waxaana ka muuqatay isu dhoola cadeyn. Soo dhoweynta Xaaf iyo inuu Kheyre ka hortagay ayaa lama filaan noqotay marka la eego wixii dhex maray labada dhinac iyo xiisadda siyaasadeed ee sanadaha u dhaxeysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira in sidii Maamulka Galmudug wadajir loogu dhisi lahaa, iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin, waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajooneyso oo kaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Share this post Link to post Share on other sites