Deeq A. Posted June 26, 2019 Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa xabsiga weyn ee Garoowe u taxaabay taliyihii CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kadib markii uu madaxweynaha Puntland amar ku bixiyay in la soo xiro, sida ay xaqiijiyeen ilo’ lagu kalsoonyahay. Siciid Deni ayaa sida la sheegayo ka carooday, hadal ay taliye Abshir ka soo xigteen qareennada u doodaya rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyay in taliyaha loo dhaadhiciyo xabsiga weyn ee magaalada Garoowe halkaasi oo u hada ku xiranyahay. Dhinaca kale, Ex. Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceel oo ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Puntland, ayaa maanta lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Jaceel ayaa duhurnimadii maanta waxaa bartamaha Garoowe ka qabtay, askar ka tirsan Booliiska oo la sheegay in ay wateen waaran-maxkamadeed, inkastoo weli aan soo bandhigin eedaymaha loo heysto. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Puntland oo Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites