Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ka tirsan Puntland oo Garoowe lagu xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amniga dowladda Puntland,  ayaa xabsiga weyn ee  Garoowe u taxaabay  taliyihii CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kadib markii uu madaxweynaha Puntland amar ku bixiyay in la soo xiro, sida ay xaqiijiyeen  ilo’ lagu kalsoonyahay.

Siciid Deni ayaa  sida la sheegayo ka carooday,  hadal ay taliye Abshir  ka soo xigteen qareennada u doodaya rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyay in taliyaha loo dhaadhiciyo xabsiga weyn ee magaalada Garoowe halkaasi oo u hada ku xiranyahay.

Dhinaca kale, Ex. Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceel oo ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Puntland, ayaa maanta lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Jaceel ayaa duhurnimadii maanta waxaa bartamaha Garoowe ka qabtay, askar ka tirsan Booliiska oo  la sheegay  in ay wateen  waaran-maxkamadeed, inkastoo weli aan soo bandhigin eedaymaha loo heysto.

PUNTLAND POST

The post Taliye ka tirsan Puntland oo Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this