Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war aysan Somalia ku farxeyn kasoo saaray kiiska badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Naiorbi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhex dhexaadineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xilligaan uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah dhul Badeedka dalka Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Dalka Kenya, Kyle McCarter ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu doonayo in xiisadda labada dal lagu dhameeyo wada-hadal ka baxsan maxkamadda, taasi oo Soomaaliya ay horey u diiday.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya laga laayahay, ayaa Kyle McCarter  wax laga weeydiiyay hadii  meelo kale  lagu xaliyo muranka Badda, sida Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, isaga oo ku jawaabay

“Waxaa hubaal ah in labada dal ay yihiin kuwo wax wadaag ah oo uu dagaal kala dhaxeeyo Ururka Al-Shabaab, anaga waxaan si toos ah ugu jirnaa xalintooda waayo waa ay wanagsan tahay in la wada ilaaliyo deris wanaagsa” ayuu yiri Kyle McCarter.

Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ku aadan inay dhex dhexaadineyso Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay shaacisay in  9 Bisha September ee sanadkaan 2019 mar kale dib u bilaaban doonto qaadista Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in hadalka dowladda Mareykanka uu u muuqdo mid Kenya ay gadala ka riixeyso, kaidb markii ay fashilmeen cadaadisyadii ay Soomaaliya saartay. Kenya ayaa dalalka reer galbeedka u adeegsaneysa inay Soomaaliya ku qasabto wada-hadal ka baxsan maxkamadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this