Deeq A. Posted June 26, 2019 Cadaad (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi hor dhac u ah socdaalka Ra’iisul wasaare Khayre oo isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa barqanimadii maanta gaaray halkaasi. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo socdaal dhulka ah ku tagi doono Cadaado ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Khayre ayaa dadaal badan ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada Galmudug. Xaaladda ayaa weli cakiran balse waxaa socda dadaallo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee BFS, kuwaas oo lagu soo afjarayo khilaafkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites