Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ciidamada AMISOM oo askar ka tirsan Dowladda ku dar daray Ceelasha biyaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa mooto ay saarnaayeen laba askari iyo darawalkii mootada ku dar daray Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, maydka 3da ruux ayaa laamiga yaalay in mudaa, iyadoo ciidamadii waxyeelada gaystay ay safarkoodii iska wateen  waxaana la soo sheegayaa in lagu hayo deegaanka Calamada waxaana halkaas uga daba tagay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Ceelsha Biyaha Saldhig ku lahaa.

Meydadka askarta ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la keenay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday sida wararku sheegayaan.

Saraakiisha AMISOM oo hoggaamineysay gawaarida dhibaatadan geystay ayaa la soo sheegayaa in ay dalbadeen in socodkooda loo sii ogolaado, wixii eed ah ee loo heystana ay kala xaaltamaan ehelka dhibanayaasha

Ciidanka AMISOM ayaa tacadiyo kala duwan ugaysta Shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo kale ee dalka,mana muuqato ilaa iyo hada wax laga qabtay Tacadiyadaan.

 

65216422_2346016242103440_92055614087736 65024310_2308705106035489_12180699909141 65099712_466064760820683_475620567645840

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this