Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa soo kordhay is-casilaaddii guddiga doorashooyinka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntland Post, ayaa maalmo ka hor daabacday in guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland (TPEC),  ay dhammaantood is-wada casilayaan, kadib kulan ay la qateen madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo guddiga TPEC ayaan warbaahinta lala wadaagin wixii ka soo baxay, balse sida ay ogaatay Puntland Pos, guddiga ayaa madaxweyne Deni u gudbiyay qoraal is-casilaad ah,  kaasi oo ay ku saxiixan yihiin dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 9 qof.

Qoraalkaas oo sidoo kale la ogaysiiyay dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaan weli warbaahinta laga shaacin, waxaase la filayaa in xubnaha  guddiga ay  maalinta berriya oo ku beegan Khamiis 27 june si rasmiya ugu dhawaaqan  is-casilaadooda.

Madaxweyne Deni, ayaa isna qorshaynaya in uu soo magcaabo guddi cusub, si ay halkaasi uga sii wadaan geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto hannaanka qabaliga ah.

Guddiga ayaa ka kooban 9 xubnood, 5 ka mid ah waxaa magacaaba madaxweynaha, halka 4-ta kalana uu magacaabo Baarlamaanku.

PUNTLAND POST

The post Maxaa soo kordhay is-casilaaddii guddiga doorashooyinka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this