Deeq A. Posted June 26, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan cali Khayre oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Ahlu-Sunna waljamaaca ayaa kala hadlay qorshayaal ay dowladda dhexe ka fulineyso magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. Qorshayaashan ayaa waxa ka mid ah in ciidamada Ahl-Suna la hoos geeyo wasaaradda Gaashaandhigga, si loogu daro kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed. Warar qaar ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu heshiin qorshahaasi, balse ay socdaan dadaallo ku aadan arrintaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Dhuusamareenb ayaa ugu baaqay madax Ahlu-Sunna in ay soo dhaweeyaan qorshayaal uu sheegay in hay’adaha dowladdu ay ka fulin doonaan magaaladaasi.. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in dooarasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo uu khilaaf ka dhashay haatan ka taagan yahay deegaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites