Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Gaarka Ee Sacuudiga Oo Gacanta Amiirkii Kooxda Daacish-ta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Ciidanka gaarka ee Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Amiirkii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dalka Yemen, Abu Osama Al-Mujahir.

bloggif_5d12b8e1b00a1-750x430.jpeg

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Abu Osama Al-Mujahir iyo xubno kale oo ka tirsan Daacish gacanta lagu dhigay Hawlgal bishan June 3-dii ka dhacay gudaha dalka Yemen.

Afhayeenka Isbahaysiga Millateri ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hoggaamiyaan, Kolonel Turki Al-maliki ayaa sheegay inay ilaalo Sirdoon ku ogaadeen guriga uu ku jiray Amiirkii Daacish ee dalka Yemen, isla markaana ay Hawlgalkaas ku soo qabteen Xubnaha ka tirsan Kooxda Daacish iyo 3 haween iyo 3 carruur oo kula sugnaa guriga la beegsaday.

Waxa kale oo uu sheegay inay Hawlgalkaasi oo qaatay 10-daqiiqo ku soo qabteen Hub, rasaas iyo qalabka Isgaaarsiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this