Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Batroolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad baraha bulshada la soo geliyay oo sheegaysa in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre uu xilka ka qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA ayaa gebi ahaanba lagu beeniyay in xilka qaadis lagu sameeyay wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

 “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Batroolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this