Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo umadda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay todobaadka xornimada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa umadda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka June oo ku beegan, markii ay xornimada qaateen gobollada Waqooyi ee dalka.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeeynayaa, sannad-guuradii 59-aad eek a soo wareegatay, markii xorriyadda gobolada waqooyi ay qaateen ee 26-ka June” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Deni.

Madxaweynaha ayaa dhinaca kale si guud shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay, todobaadka xornimada dalka ee 26 June iyo 1-da bisha soo socota ee Luuliyo, isagoo si gaar ah u xusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb-qaatay halgankii dheeraa ee xornimada dalka loo soo galay.

Waxay sidoo kaleeto hambalyadeynan hordhac u tahay  usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed lagu xuso  iyo midowgii labadii gobol, gobolladii waqooyi iyo gobolladiii koonfureed ee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaan si gaar ah u xusayaa halyeeyadii ka qeyb-qaatay halgankaa dheer ee dadka Soomaaliyeed xornimada loogu raadinayey” ayuu yiri mudane Deni.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xornimada dalka ee naf iyo maalba loo huray uu dayac ku dhacay, dayacaasi oo ka dhashay burburka siyaasadeed iyo midka maamul ee Soomaaliya haleelay wixii ka dambeeyay sannadkii 1991-dii, waxaana uu ku baaqay in laga qeyb-qaato dib-u-dhiska iyo hagaajinta waddanka.

Madaxweynaha Puntland waxaa kale oo uu ku baaqay in gobollada waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay wada-hadlaan oo wixii la kala tabanayo lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii umadda Soomaaliyeed, loon helo waqooyi iyo koonfur midaysan xasiloon oo horumarsan.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo umadda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay todobaadka xornimada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this