Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ee Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qoraal ay soo saartay shaaca uga qaaday goorta si rasmi ah loo dhageysan doono doodda dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhici doonto 9-ka illaa 13-ka bisha Sepetmber ee sanadkan.

Dhageysiga ayaa ka kooban laba wareeg. Wareegga koowaad ayaa la qaban doonaa 9-ka iyo 11-ka September. 9-ka oo ku beegan Isniin waxaa doodda leh Soomaaliya, halka 11-ka oo arbaco ay leedahay Kenya.

Wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ayaa dhici doona 12-ka iyo 13-ka September. 12-ka oo ku beegan khamiis waxaa hadli doonaa Soomaaliya, halka 13-ka oo Jimco ah ay hadalka leedahay Kenya.

Go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo dabayaaqada sanadkan.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda

D97ZnOKW4AU1Zsn.jpg D97ZnONW4AE-_vq.jpg D97ZnONW4AAE0aL.jpg D97ZnOQXsAAyM6w.jpg

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this