Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneyda Uu Guursan Lahaa Wariye Jamal Khashoggi Oo Baaq U Dirtay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Haweeneyda uu guursan lahaa wariye Jamal Khashoggi oo sannadkii hore lagu dilay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku baaqday in Baadhitaan caalami ah lagu sameeyo dilka Saxafigaan.

156148220546879-1.jpg

Baaqa ka soo yeedhay Hatice Cengiz, ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii khabiir dhanka baadhitaanada ah oo ka tirsan qaramada midoobay ay dilka Khashoggi ku eedeysay boqortooyada Sacuudiga.

Cengiz oo kula hadashay diblumaasiyiin iyo saxafiyiin ku sugan magaalada Geneva ee caasimada Swiss-ka ayaa sheegtay in warbixinta qaramada midoobay ay xoojin u tahay in baadhitaanada la sii Wado.

Waxaan u baahanahay baaritaan caalami ah oo ku aadan dilka loo geestay Khashoggi, ma ahan oo kaliya in la baadho madaxda sacuudiga doorka ay ku leeyihiin dilkaan ee waxaa sidoo kale jira in hogaanka boqortooyada ay cabsi galin iyo handadaad isku dayeen si ayu tirtiraan Cadeymaha.

Warbixin ka kooban boqol bog oo 19-bishan June ay soo saartay Agnes Callamard oo qaramada midoobay u qaabilsan dhanka baadhitaanada ayaa muujinaya in boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd dilkii 2-dii October loo geestay wariye Jamal Khashoggi.

Saxafigaan ayaa lagu dhex khaarijiyay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul oo uu ka doontay shahaado muujineysa in ay kala tageen afadiisii Hore.

Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in 15 xubnood oo loo soo tababaray dilkaan ay ka danbeeyeen dilka Jamaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this