Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadiniinta Mareykanka Oo Mar kale Looga Digay Inay U Safar Ku Tagaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waaxda arrimaha dibedda Maraykanka waxay soo saartay Digniin cusub iyo khataraha ay Muwaadiniintooda kala kulmi karaan haddii ay u safraan dal kasta oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

42864369-usa-and-somalia-miniature-flagsUSA and Somalia – Miniature Flags Isolated on White Background.

Warbixinta waxaa si gaar ah loogu muujiyey 14 Waddan oo ku yaalla Caalamka oo ay ka socdaan colaado, waxana si gaar ah loo tilmaamay 6 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasi oo heerka Socdaalka la gaadhsiiyey digniinta Heerka 4-aad ee lagu qiimeeyey dalalka aan loo safri Karin.

Qiimeynta waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu asteeyey Khatarta heerka 4-aad ee aan loogu socdaali karin waxay kala yihiin: Soomaaliya, Suudaan, South Sudan, Mali, Libya iyo dalka Afrikada Dhexe.

Digniinta waxaa lagu xusay inay Muwaadiniinta haysta dhalashadda Maraykanka marnaba socdaal ku tegin Soomaaliya (Do Not Travel), waxayna ka digtay inay la kulmi karaan Dembiyo, Afduub, Budhcad-baddee iyo weeraro ka dhici kara deegaanadda ay dadka Dalxiisayaasha booqdaan, iyadoo weerarada baahsan ee ka dhaca Somalia la sheegay inay boqolaal qof ku geeriyoodeen iyo inay Macluul iyo barakaca dadka deegaanka, kuwaasi oo noqday dad u nugul saboolnimo xag-jir ah iyo colaado.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uga digto dadkeeda inay u soo socdaalaan Somalia, kuna tilmaamaan Dal Khatar ah oo Heerka 4-aad ku jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this