Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Ka Qeyb-gashay Dabaaldegga Dadka Isku Jinsiga Ah Ee Isku Galmooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Minnesota)-Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacday iyadoo la damaashaadeysa dadka isku jinsiga ah ee isku taga oo sannadkasta bishan oo kale sameysta dabaaldegyo.

D6yRUsiXkAE8ShX-768x1024.jpg 107519817_ilhan.jpg

Dalalka sharci ahaan ogol LGTB waxaa ka dhacaya munaasabo “guur” oo dhexmaraya dadkaas oo sannadkiiba mar la qabto.

“Waqti cajiib ah oo ciyaaro iyo dabaaldeg ah ayaan la qaaday #TCPride damaadkii toddobaadka”, ayey ku qortay barteeda Twitter-ka.

Waxay soo dhigtay muuqaalkeeda ayadoo qoob ka ciyaar ka sameyneysa goob ay ka muuqdeen dad lagu qiyaasi karo illaa boqollaal qof.

Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa dhammaadkii bishii la soo dhaafay, aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah.

Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin).

Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta.

War qoraal ah oo 17-kii bishii May, ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka, oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”.

Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this