Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Garoowe ku Qaabilay Wefdi ay hogaaminayso Safiirka dalka Norway ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Noorwey ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada-jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda.

Waxaan Dowladda Noorwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic faraha badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka, EU-da iyo hay’addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Noorwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaanto.

Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynaynaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiiradda dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana ay dhankeeda caadaysay in Noorwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan oo amin walba sii amba qaadaysa, dhanka kale Safiiradda waxay ay xustay inay sii wadidoonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo Puntland.

kulanka Madaxweynaha iyo Safiiradda waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Bilayaha Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan ), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

  • 1-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-25.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-24.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-18.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo Garoowe ku Qaabilay Wefdi ay hogaaminayso Safiirka dalka Norway ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this