Sign in to follow this  
Deeq A.

Mac’hadka SIDRA oo soo bandhigay diraasad ku saabsan khatarta sii kordhaysa ee kufsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Mac’hadka horumarinta iyo Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku soo bandhigay, diraasad ku saabsan halista sii kordhaysa ee kufsiga iyo xaqiiqada xaaladda haweenka Soomaaliyeeed, waxaana kulanka lagu soo bandhigay diraasadda  ka soo qeyb-galay ururrada bulshada rayidka Puntland  iyo ardayda jaamacadaha.

Diraasadda uu soo bandhigay mac’hadka SIDRA, ayaa muujinaysa in adeegsiga maan-dooriyaha, daawashada filimaanta jinsiga, ku dhaqanka xeer-jajabka beelaha ee xallinta kiisaska kufsiga iyo haweenka la kufsado oo aan ku dhiirran in ay soo bandhigaan tacaddiga loo geystay ay dhammaantood sal u yihiin in uu sii kordho kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Diraasaddu waxay sheegaysaa in aysan jirin  wacyi-gelinta laga sameeyo dhibaatooyinka kufsiga iyo tacaddiyada kale ee jinsiga, taasina ay kamid tahay waxyaabaha sii kordhinaya khatarta kufsiga.

Sida diraasadda ku xusan, haweenka iyo gabdhaha la guursaday ayaa 67% ku dhiirrada in ay soo sheegaan tacaddiyada loo geystay, halka 12% ay ku dhiirradan gabdhaha aan weli la guursan, sidoo kale 8% haweenka la soo furay ayaa soo sheegaya tacaddiyada jinsiga, halka 2.8% ay ka yihiin haweenka laga dhintay.

Cilmi-baarayaasha mac’hadka ee soo bandhigay diraasadda, ayaa sheegay in ay wakhti iyo dadaal badan geliyeen, uruurinta xogaha ku jira  diraasaddan muhiimka u ah dabar-goynta tacaddiyada jinsiga ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, diraasadda ayaa soo jeedisay, talooyin ka kooban 9 qodob oo ku aaddan habka looga hortegi karo tacaddiyada jinsiga, gaar ahaanna kufsiga, waxaana qodobadaasi kamid ah; in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku ay dhisan guddi ka shaqeeya ka hortagga tacaddiyada kufsiga iyo in la sameeyo booliis u gaar ah la’tacaalidda denbiyada kufsiga.

Sidoo kale, diraasadda ayaa soo jeedisay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalku ay sameeyaan hay’ado haweenku leeyihiin oo u xil saaran, soo sheegidda tacaddiyada kufsiga, islamarkaana la xoojiyo kuwa hadda dhisan iyo in la hirgeliyo taleefonno heegan ah 24-saac oo soo gudbiya kufsiga iyo tacaddiyada kale ee dhacay.

Halkaan hoose ka eeg sawirada kulanka

  • IMG_0487.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0488.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0490.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0491.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0502.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0503.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0506.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0516.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0518.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0524.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0530.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0532.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0535.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0537.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0538.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0542.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0544.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0545.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0548.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0550.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0553.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0556.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0558.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG_0562.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mac’hadka SIDRA oo soo bandhigay diraasad ku saabsan khatarta sii kordhaysa ee kufsiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this