Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ku Kaliyeysatay Shir Ay La’ Lahayd Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka qaybgalay shir ay u balansanaayeen in ay magaalada Nairobi kula yeeshaan dawladda Federalka ee Soomaaliya.

65281287_873945322972197_392747992124017 65035265_873945316305531_745432751790253

Hase yeeshee shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Somaliland iyo xubno ka socday beesha caalamka oo ay ka Mid ahaayeen dalalka Wakiiladoodu ay fadhiyaan Magaalada Nairobi ee Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD iyo UK, ayaa goobtii shirka waxa aan ka soo xaadirin masuuliyiintii shirkaasi ku matalayey dawlada federalka ee Somalia.

Dawladda Federalka Somalia ayaa iyadu cabasho ka muujisay in Nairobi aanay ahayn meel ku haboon shirkaasi in uu ka dhaco, balse dhinaca Somaliland oo Ambassador Baashe Cawil uu ka mid ahaa masuuliyiintii Somaliland ku matalayey ayaa tilmaamay in ay aad uga xunyihiin in dawlada federaalka ee Somalia aanay qaadan fursadaasi lagu sii wadayo wadahadalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this