Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre: Waxaan idinkugu imid in aan idinla dhiso Gulmudug midaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Galmudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Galmudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Galmudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta dhulkooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Galmdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mdug.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

  • 1-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 2-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 3-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 4-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 5-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 6-2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 7-1.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 8-1.jpeg?w=1000&ssl=1
  • Khayre.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Khayre: Waxaan idinkugu imid in aan idinla dhiso Gulmudug midaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this