Deeq A. Posted June 25, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi. Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Intooda badan kulamada ayaa diirada lagu saaray xiisada Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, isaga oo la kulmay qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites