Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Somaliland kula kulmayn dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Fuursade.jpg?resize=1000%2C809&ssl=1Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Fuursade

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaysay in aysan ka qeyb-geli doonin kulan qorshaysnaa in uu maanta magaalada Nairobi uga furmo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aysan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb-geli doonin kulanka Nairobi balse wuxuu xaqiijiyay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay  in ay wada-hadallo mira-dhal ah la furto maamulka Somaliland marka lagu heshiiyo  ajandaha shirka iyo goobta uu ka dhacayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo” ayuu yiri Fuursade.

Dhinaca kale Somaliland ayaa xalay sheegtay in uu kulankaasi ka furmayo magaalada Nairobi ayna isku arki doonaan mas’uuliyiin ka socda labada dhinac inkastoo kulanka ay ku tilmaantay mid hordhac u ah sidii wada’hadallo rasmiya loo bilaabi lahaa.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya  Baashe Cumar Cawil ayaa xalay sidaasi u sheegay telefishinka Horn Cable isagoo raaciyay in kulanka ay goob-joog ka noqon doonaa wakiillo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo xubno matalaya Beesha Caalamka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Somaliland kula kulmayn dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this