Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Itoobiya Oo Sheegay In La Qabtay Askarigii Diley Gen Mekonnen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-War kasoo baxay booliska Federalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in askarigii ilaalinayay taliyaha la dilay in hadda uu yaallo Cisbitaal lagana daweynayo dhaawac soo gaadhay. Balse booliska ma ayna shaacin magaca askarigaas.

seare.jpg

Ciidammada booliska Federaalka ee Itoobiya ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal ay shalay sheegeen oo ahaa in askarigii lagu eedeeyay inuu dilay madaxii ciidammada dalkaas Gen Seare Mekonnen uu is toogtay.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horraan sheegay in askariga uu dilay Janaraal Seare iyo sarkaal sare xilli ay joogeen gurigooda si loo afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada.

Waa markii labaad oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan arrinta ku aadan askariga lagu tuhunsan yahay inuu toogtay madaxii guud ee ciidammada Itoobiya.

Sabtidii dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xidhay halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada.
Hase yeeshee illaa hadda makala cadda in dhaawaca soo gaaray askarigaas uu yahay mid isaga uu isku geeystay ama inuu dhaawacay qof kale intii uu weerarka socday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this